Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala

Alshabaab, Somalia

Afhayeenka Xarakada AlShabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka.

Cali Dheere ayaa sheegay in sharcigaan ay dowladda federaalka oo gadaal ka riixayo Mareykanka uga dan leeyihiin beegsiga shirkadaha ganacsiga wadanka iyo dadka ganacsatada ah, loona boobi lahaa hantidooda, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida, kuwaasi oo uga digay in ay xogta macaamiishooda la wadaagan dowladda.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxda ay isha ku hayso bangiyo uu ku sheegay ajaanib oo raba inay yimaadan gudaha Somaliya “Waxaan leenahay xogtiina waan haynaa iyo waxa aad u socotaane dalkaan ha isku soo lugooynina. Shilin ummada Soomaaliyeed ledahay qaadan maysaane lafihiina haku qamaarina.”

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqda mid culeys badan ka wajahay ansixinta hindise-sharciyeedkan oo dowladda ay sheegtay inay kula dagaalameyso dadka maal-galiya kooxaha argagixisada.

Dowladda federaalka Somaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay inay xirto akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli socda dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda.

Post a Comment

0 Comments