Al Shabaab oo shan qof ku dilay gudaha dalka Kenya iyo Booliiska oo ka hadlay

Alshabaab

Dagaalyahanno hubeesan oo katirsan kooxda AlShabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho dhaliyay  ka fuliyay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan degmada Lamu oo dhaca  Koonfur Bari Kenya.

War kasoo baxay kooxda AlShabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ka fuliyeen deegaanka Juhudi oo katirsan Lamu ku dileen shan qof oo Kenyan ah, kuwaa oo Al Shabaab sheegeen in ay ahaayeen gaalo.

Booliiska dalka Kenya war kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in Al Shabaab shan qof dileen, kuwaa ay sheegeen in qaarkood gowraceen , waxa ayna weerarkan booliiska dalka Kenya ku sifeeyeen weerar argagaxiso, iyagoona tilmaamay in ay wadaan howlgalo.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geesta gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka xeebta iyo gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana weeraradan ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaac.

Post a Comment

0 Comments