Howlgalo & duqeymo culus oo saaka ka bilowday degaano ka tirsan Sh/dhexe

Alshabaab

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya dayuuradaha wax duqeeya ee Mareykanka ayaa saaka oo Jimco ah howlgal culus oo lagu sifeynayo Al-shabaab ka wada degaano ka tirsan Bariga gobolka Galgaduud.

Wasiirka Difaaca XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Goordhow sheegay in howlgal sifeyn ah uu ka socdo deegaanada u dhexeeya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud si gaar ah aagga Daaru-nimca.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in xog ay heleen kadib ay howlgal ka bilaabeen Tuulooyinka Fiiqey, Ceel la helay,  Hereeri Dheere,  Lagow Xassan iyo Bus jiide oo dhamaantood u dhow degaanka Daaru-Nicma, isla markaana dhaca Xadka Gobolada Sh. Dhaxe iyo Galgaduud.

Waxay intaas ku dareen in howlgalka ay qeyb ka yihiin duqeymo dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen diyaarado dagaal oo Mareykanku leeyahay, iyagoo xusay in howlgalladan khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii la helay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Xubno katirsan Al-Shabaab ay isku arursanayeen degaannada howlgalku ka socdo, kuwaasoo qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Saldhigyada Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka

Weli lama faahfaahin khasaaraha ka dhashay howlgalka iyo duqeymaha dayuuradeed ee ka dhacay degaannada ku yaalla Xadka gobolada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud

Post a Comment

0 Comments