Fiqi oo ku baaqay in la kordhiyo taageerada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgallada lagu cidhibtirayo Alshabaab

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Somalia Axmed Macalin Faqi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay guusha laga gaadhay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo taageerada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgallada.

Wasiirka ayaa sheegay inuu furimaha dagaalka ka dhanka ah alshabaab tagay si uu utaageero una dhiiri geliyo ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta iyo maleeshiyaadka macawisleyda kuwaaso guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgallada socda.

Hadaba waxa xusid mudan in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xaq u dirirta deegaanada ee gobolka Mudug ay ceydhsanayaan firxadka Khawaarijta ku dhuumaalaysanaya goobo yar oo dhaxeeya Mudug iyo Galgaduud.

Dagaalka tooska ah ee lagu beegsanayo khawaarijta waxa barbar socda dagaallo kale oo ka dhan ah fikirka iyo dhaqaalaha Alshabaab, kuwaa soo saameyn ku yeeshay awoodda kooxda.

Post a Comment

0 Comments