KENYA oo baadi goobeyso 35 ka tirsan Al-Shabaab.

KENYA oo baadi goobeyso 35 ka tirsan Al-Shabaab + Magacyada

Warbixin cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab:


Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo saaray warbixin cusub oo ka dhan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baadi goobayaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi, si gacanta loogu soo dhigo.

Warbixinta oo kasoo baxday booliska Kenya, gaar ahaan Hoggaanka dambi baarista (DCI) ayaa waxaa lagu shaaciyay magacyada 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaaas oo loo haysto in weeraro argagixiso ah ay ka gaysteen gudaha waddanka Kenya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggan ay ka tirsan yihiin shabakad kooxda Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka weerarada ka dhaca gobolka xeebta ee Lamu.

Kenya ayaa farriin  u diray shacabka, waxayna ka codsatay inay si mutadawacnimo ah u keenaan xogta raggaasi lasoo bandhigay magacyadooda iyo sawirradooda.

Warbixinta kasoo baxday booliska Kenya :


“Hoggaanka danbi baadhista (DCI) waxa ay ka codsanaysaa bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah u helaan xogta horseedaysa in la soo xidho soddon iyo shan (35) eedaysane, kuwaas oo qayb ka ah shabakada Al-Shabaab, una qaabilsanaa qorshaynta iyo abaabulka weeraradii ka dhacay gobolka Lamu iyo deegaanka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska booliiska la dagaalanka argigixisada.

Booliska Kenya ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay abaakmarin doonto cidkasta oo keentay xog horseedi karto in lasoo qabto eedeysanayaasha, si loo maxkamadeeyo.

Doorka Kenya ee la dagaalanka kooxda Alshabaab:


Kenya ayaa waxaa inta badan weeraro culus ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada ciidamada ammaanka dalkaasi.

Dalkan dariska la ah Soomaaliya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo qayb ka ah howlgalka ATMIS ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments