Ciidanka DF iyo shacabka hubeysan oo la wareegay deegaan cusub

Ciidanka DF iyo shacabka hubeysan oo la wareegay deegaan cusub

Wararka ka imanaya gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka hubeysan ayaa weli gobolka Mudug ka wada howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo saacadihii u dambeeyay kooxda laga xoreeyay deegaan cusub.

Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud.

Deegaankan ay la wareegeen ciidanka dowladda ee laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

Howl-galkaan ayaa waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21-aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Shabaabkii joogay deegaankaan ayaa la sheegay inay halkaas ka kala firxadeen, waxaana hataan ku sii daba jira firxadkooda ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Gobollada dhexe iyo la dagaalanka Alshabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Sida looga xoreeyay Alshabaab gobolka Mudug.


Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Post a Comment

0 Comments