Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta oo Baaq udiray Caalamka.

Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta oo Baaq udiray Caalamka.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo baaq udiray caalamka.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa baaq bani’aadanimo udiray dhammaan dalalka Carabta iyo Ururrada Caalamka, si shacabka somaliyeed looga badbaadiyo dhibaatada ka dhalatay daadadka xoogan ee dalka sameeyay.

Safiirka ayaa ku baaqay in dadaal wadajir ah oo Carab iyo caalamba ku midaysanyahay loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed oo si deg deg ah loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo si loo helo xal wax ku ool ah oo looga hortago musiibada Somaliya soo food saartay.

Daadaalka Dawladda Somaliya

Dowladda Somaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Somaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments