Xubno kamida shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dawladda.

Xubno kamida shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dawladda.

Xubno kamida shabaab oo isku soo dhiibay dawladda.

Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay `Indhacade` ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, ee ku sugan deegaanka Jannaale ee Gobolka Sh. Hoose.

Cabdirashiid oo ku dhashay Magaalada Baydhabo ayaa Argagixisada uga biiray sida uu sheegay deegaanka Doolan-doole ee Gobolka Baay horraantii 2018, markii uu qaatay fikirka Khawaarijka ah.

Nolol adag iyo dhibaatooyin kala duwan oo uu wajahay darteed ugu dambeyn waxaa uu go'aan ka qaatay ka sii mid ahaanshaha cadowga umadda waxaana uu isku soo dhiibay ciidanka Qaranka Bambooyin.

Tliyaha Ururka 83-aad, guutada 14-ka October Gaashaanle Maxamed Nuur iyo saraakiisha guutada ee deegaankaas ku sugana ayaa soo dhaweeyey Cabdirashiid.

Dhanka kale Aadan isaaq Aadan oo Magaciisa Afgarashadu yahay  Zuber ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugida Ee kusugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Aadam ayaa Khawaarijta katirsanaa mudo 5 Sano ah waxaan uqaabilsanaa Waxaa ay ugu yeeraan Xisbada.

Xubnaha Alshabaab kasoo goosanaya oo batay maalmihii udanbeeyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dowladda Somalia waxa ay kusoo bandhigtay qeybo kala duwan oo dalka kamid ah rag kasoo goostay AlShabaab oo ay sheegtay in ay ka faa’iideysteen cafiska dowlada islamarkaana ay isaga baxeen kooxda ay ku jireen

Somalia ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah AlShabaab kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka saaxibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka

Post a Comment

0 Comments