Deni oo mar kale ku guuleystay doorashada xilka Madaxweynaha Puntland

Saciid DENI oo noqday madaxweynihii u horreeyay ee dib loogu doortay Puntland

Doorashadii maanta ee madaxtinimada Puntland.

Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashadii madaxweynaha Puntland oo saaka ka bilaabay gudaha magaalada Garoowe.

Doorashadan oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa la isla soo gaaray wareeggii saddexaad, waxaana isugu soo haray laba musharrax oo kala ah Saciid Deni yo Guuleed Saalax Barre.

Deni oo mar kale dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya 45 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Madaxweynihii u horreeyay ee dib loogu doortay Puntland

Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday.

Tani ayaa meesha ka saareysa isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Deni iyo ku-xigeenkiisa cusub ee la dooran doono ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreynta mad-madwoga kala dhexeeya dowladda dhexe ee Somalia iyo inuu Puntland gaarsiiyo qof iyo cod.

Sidoo kale waxaa haatan la guda galayaa doorashada madaxweyne ku-xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin illaa 11 musharrax oo iyana shalay jeediyay khudbadahooda.

Xaaladda amni ee ay hadda ku sugantahay Puntland.

Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada, kaas oo maanyta soo dhamaaday, kadib dib u doorashada Saciid Deni.

Post a Comment

0 Comments