Wiilka XASAN SHEEKH oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul

Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh oo hor tagay Maxkamad qaadeysa kiis dil ah uu ku lug lahaa

Kiiskii Wiilka Xasan sheekh halka uu marayo

Wiilka madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor marqaati furay maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, taasi oo la xiriirta shil dhimasho leh oo magaalada ka dhacay bishii November 2023.  

Amar soo xiritaan ayaa loo jaray Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii gaarigiisa uu gadaal kaga dhacay mooto uu waday Yunus Emre Gocer oo 38 jir ahaa 30-kii November. Yunus ayaa isbitaalka ku geeriyooday 6 maalin kadib, xilligaas oo Maxamed uu kahor ka tegay Turkey.

Wasiirka cadaalada turkiga oo kiiskan ka hadlay

Wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc ayaa bishii tagtay sheegay inuu kiiska kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, si loo qorsheeyo soo laabashada Maxamed.

Warbaahinta Turkey ayaa ku warantay in amarkii soo xiritaan iyo mamnuucistii safar ee ka dhanka ahaa Maxamed la baabi’iyey kadib markii uu hortagay oo uu hadal siiyey maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Waxaa kadib sii daayey maxkamadda.

Maxamed ayaan qiran dambi, wuxuuna mar kale ku celiyey hadalkii uu sheegay waxyar kadib shilka, oo ahaa in Yunus uu lahaa khaladka shilka.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa horey u dalbaday xarig laba illaa lix sano ah. Dhageysiga dacwadda ayaa dib loo dhigay illaa 16-ka Janaayo.

Shilkan ayaa halis geliyey xiriirka wanaagsan ee Somaliya iyo Turkey. Duqa Istanbul Ekrem Ä°mamoÄŸlu oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowladda “inay daciif tahay oo aysan difaaci karin shacabkeeda.”

Muxuu uga jawaabay Xassan sheekh arintan ?

Madaxweynaha Somaliya XasanSheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP horey ugu sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Post a Comment

0 Comments