Howl-gal culus oo ka socda aagga Xarardheere iyo Al-Shabaab badan oo la dilay

Ciiddanka Xoogga oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna soo furtay

Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Ciiddanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ku fuliyeen deegaanka Baraag Cali-gaduud oo hoostaga degmada Xarardheere, waxa ay ku dileen xubno katirsanaa Al Shabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah .

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in ay howlgalkan qorshaysnaa ku dileen dhowr iyo taban xubnood oo katirsan Al Shabaab, sidoo kale soo furteen hub iyo saanad kale oo ciidan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiisha ciiddanka xoogga dalka in ay wali ay socdaan baacsiga kooxdii AlShabaab ee ka firxaday deegaanka howlgalka maanta ka fuliyeen ciidamada huwanta ah.

Hawlgallada laga fuliyo Galmudug 

Ciiddanka xoogga dalka Somaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa marar badan howlgalo qarsoodi ah ay ka fuliyeen deegaanno katirsan Galmudug waxa ay ku dileen sidoo kale nolosha kusoo qabteen xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments