Baarayaasha Kenya ayaa xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka
dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa
Maxamed Luqmaan.
Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga
soo xiray hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.
Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay
ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.
Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay
u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli
jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda
Dembi-baarista Kenya.
Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen
qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.
Si kastaba lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka
baxsaday goobta, waxaana abada eedeysane lagu wadaa in berri la soo taago
maxkamad
0 Comments